Daawo Sawirada Madaxweyne Gaas oo Qardho meelo kamid ah kormeeray

0

Soo dhaweynta waxaa ka qeyb qaatay Maamulka Gobolka Kar-kaar,Maamulka degmada Qardho,Hogaanka dhaqanka iyo qaybaha kale ee Bulshada ,kuwaasi oo diyaar garoow xoogan ugu jiray soo dhaweynta.

Madaxweyne Maamulka Puntland Dr C weli Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhaweyn ka dib kormeer shaqo ku maray isbitaalka weyn ee qardho ,Xerada Tababarka Ciidanka Birmadka ,Wakaalada Xoogga Korantada Umadda ee EENEEYA iyo sidoo kale Garoonka diyaaradaha ee Qardho oo ay ka socoto howlo dib u dayactir ah.

Maamulka isbitaalka Qardho ayaa Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland  Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  uga warbixiyey howlaha shaqo ee ay bulshada u hayaan waxana uu kormeeray dhammaan qeybaha uu ka kooban yahay cisibtaalka isagoona halkaasi ku booqday bukaanada ku sugan isbitaalkaas kuwaasi oo hela daryeel caafimaad oo wanaagsan.

Booqashadani Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu maanta tagay magaalada qardho ayaa waxaa uu qeyb ka yahay safaro shaqo oo uu ku tagayo qeybo kamid ah Gobolada Bari iyo Kar-kaar.

3

1

116131086 5
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com