Daawo Sawiro+Video: Xildhibaano kulan ku yeeshay Muqdisho oo baaq u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh, Iyo Xildhibaano Kusoo Biiray Dhanka R/wasaare Cabdiwali

0

Muqisho, AGGM:Kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, xubnaha golaha Shacabka ee kasoo horjeeda Mooshinkii dhawaan laga keenay Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda F. Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu faraha kala baxo shaqada Xukuumadda si ay u gudato waajibaadka Qaran ee laga sugayo.

 
Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo dhaweeyay tiro Xildhibaano ah oo horey uga mid ahaa xubnihii mooshinka keenay Xukuumadda, waxana ay tilmaameen markii ay garowsadeen danta qaranka iyo hakadka ay galeen guud ahaan shaqooyinkii Hay’addaha dowladda in ay garowsadeen oo ay isaga talaasulaan mooshinka.

 
Xildhibaan C/laahi Cumar Abshirow oo ku hadlay magaca Xildhibaanada ayaa sheegay markii uu arkay dhibaatada Mooshinka iyo halista uu ku yeeshay howlihii qaranka in uu go’aan saday dib inuu uga baxo mooshinkaas, wuxuuna geesta kale baaq u diray xildhibaanada weli ku adkaysanaya mooshinka ka dhanka ah Xukuumadda in ay ilaaliyaan danta qaranka isla markaana ay iskaga haraan mooshinka.

 
“Anigoo ah Xildhibaan C/laahi Cumar Abshirow horey uga mid ahaa xubnihii Xukuumadda Mooshinka ka keenay, markii aan arkay dhibaatada laga dhaxlay mooshinkaas aniga iyo xubno kale oo xildhibaano ah waxaan go’aan sanay inaan ka baxno, kuna soo biirno xildhibaanada walaalaheen ah ee Mooshinka kasoo horjeeday” ayuu yiri Abshirow.

 
Dhinaca kale, Xildhibaanka ayaa akhriyay go’aankii maanta kasoo baxay kulankii ay Xildhibaanadu yeesheen, waxana ay ku baaqeen golaha Wasiirrada in ay shaqadooda sii wataan, isla markaana ay soo dhaweynayaan fadhiyadii u danbeeyay ee goluhu yeeshay kuwaas oo lagu meel mariyay dhowr Hindise iyo miisaaniyadda Dowladda.

 
1. In la taageero Golaha Wasiirrada oo shaqadoodii si habsi ah u socoto, anagoo ku bogaadinaynaa go’aamada ay ku ansixiyeen labo Hindise Sharciyeed iyo Miisaaniyadda 2015 taas oo la xiriirta Hiigsiga 2016.

 

 

2.Waxaan Madaxweynaha uga digaynaa faragelinta joogta ah oo uu ku hayo golaha Xukuumadda, iyadoo markii ay diideen Baarlamaanku mooshinka sharci darrada ah uu bilaabay inuu kala qeybiyo golihii Wasiirrada taas oo keeni karta curyaamin shaqadii dowladda.

 

 

3. Waxaan taageeraynaa baaqyada Beesha Caalamka iyo go’aamadii kasoo baxay shirka Copenhagen ee ku aadan in aan waqtigaan loo baahayn in la carqaladeeyo hiigsiga 2016, looguna baaqayo hoggaanka Soomaaliyeed in ay midoobaan oo u turaan ummada Soomaaliyeed, arrintaas oo si cad u sheegaysa in Madaxweynuhu joojiyo mooshinka uu wado, kuna taageero Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda howsha muhiim ka ah ee ay gacanta ku hayaan.

 

 

4.Waa in la ilaaliyo midnimada Baarlamaanka, lagana hortago wixii carqaladaynaya howsha baarlamaanka oo ay ahayd in uu meel-mariyo
howlaha horyaala kalfadhiga 5-aad ee ay usoo gudbiyeen golaha Wasiirrada.

 

Dhinaca Kale Xildhibaano ka tirsnaa garabka Mdaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa ay iminka kusoo bireen Xildhibaanada ku garabka ah R/wsaare cabdiwali Sheekh.

Hoos Ka Dhageyso Xildhibaanada Kusoo Biiray Xildhibaanada Taageersan R/wasaare Cabdiwali…

IMG_6658 IMG_6661 IMG_6663 IMG_6665

IMG_6667 IMG_6668 IMG_6669 IMG_6671 IMG_6680

IMG_6685

IMG_6692 IMG_6713
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com