Dagaalka madaxweynaha iyo Dastuurka KMG!.

0

Waa cinwaan aan isleeyahay wakhtigii ku haboonaa ayuu yimid, maxaa yeelay dalka soomaaliya wuxuu leeyahay Dastuur ku meel gaar ah oo la ansixiyay August 1, 2012.  Ujeedku muxuu yahay? Jawaabtu waa sidan waa eray sharci ah, (barashada habka dawladeed iyo sharciyada”), haddana ummadi ku heshiisay; inkastoo aan wali afti dadweyne loo qaadin oo uu qabyo yahay.  Haddaba dastuurkan isaga ah kaalin caynkee ah ayuu madaxweynuhu ku leeyahay?

Jawaabtu waa fududahay waana sidatan:-

Qodobka 87aad.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waa:
  1. Madaxa Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya;
  1. Astaanta midnimada qaranka;
  2. Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka.

Sida qodobadan kore ku xusan madaxweynuhu  xilkiisii ma u gutay mise uma gudan?

Jawaabtu waa laba nooc; haddii la’oran lahaa xildhibaanada mooshinka ka keenay xukuumadda waa saxan yihiin oo way ilaalinayaan sharciga sax noqonmayso waayo taas waxaa diidaya qodobka 100aad faqradiisa (a) & (b) ee ka hadlaya xilka iyo awoodaha ra’iisul wasaaraha , sidaas darteed xildhibaanada mooshinka la ordaya qodobadan ma arkiwaayin ee horey ayaa looga maahmaahay oo layiri nin meeli u cadahay meeli ka madoow.

Midda kale haddii la yiraahdo madaxweynuhu wuxuu ilaalinayaa qodobada ku xusan 87 ee Dastuurka Iyana sax noqonmayso waayo wuxuu faraha kula jiro waa shaqadii Ra’iisul wasaaraha, marka madaxweynuhu magaran waayin sida shaqada lookala leeyahay ee waa ninay meeli u cadahay meeli ka madoow, waxaan uga jeedaa saaxiibkii oo xilkii uu qaranka u hayay xil kale loogu badelay ayuu ka xanaaqay sidaas darteedna wuxuu bilaabay in isaga iyo xildhibaanada mooshinka wada ay meel qudcur (mugdi) ah fariistaan. Runtii waxaan bogaadinayaa xildhibaanada diiday mooshinkan waxaan filayaa inay u diidanyihiin iyada oo ay u caddaatay inay jid sax ah oo soomaali ay wada aragto ku socdaan. Waxaan kula dardaarmayaa xildhibaanadaas inay u hiiliyaan sharciga waliba waxaa dhicikarta in masaalixdiina gaarka ah la idinkula gorgortomo ee taasna diida waa laaluush iyo xaaraan cad.

Waxaa nasiib darro ah soomaaliya oo ah dal xor ah oo madaxbannaan inay la’dahay hogaan xor ah oo madaxbannaan, meeshan oo kale akhristuhu waxaa laga yaabaa inuu is weydiiyo dalkiiba ciidamo shisheeye ayaa haystee sidee hogaan madaxbanaan loo helikaraa laakiin taasi sax ma ahan oo madaxbanaanida dadka ayaa samaysta ee iskama timaaddo.

Dib ugu laaban maayo kala qaybsanka goloyaasha (xukuumadda iyo baarlamanka) oo horey ayaan kaga hadlay balse waxaa muhiim ah inaan iftiimiyo halku dhegga ay isticmaaleen xildhibaanada qaar ee ah QOF AMA QARAN  xaqiiqatan waa run oo anigu aad ayaan uga warqabaa meesha ay sartu ka quruntay, waxaana fiican in madaxweynuhu saaxiibnimadiisu way fiicantahay oo waaba la’isku halynkaraa laakiin macnaheedu yuusan noqon qaranka ayaan ku badeshay qof taas oo wax u dhimaysa mas’uuliyadda saaran .

By: C/xafiid sacdi Jaamac

Muxsin7076@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com