Dhambaal Tacsiyeed: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo tacsi u diray qoyska Marxuum S/G. Cumar Xaaji Maxamed Masalle.

0

Muqdisho. November, 25, 2014- Madaxweynaha Jamhuriyadda Fedraaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida Sarreeye Gaas Cumar Xaaji Maxamed, oo ku geeriyooday magaalada Leicester ee dalka Britain.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale tacsi taa la mid ah u diray Ilaaheyna uga baryay Samir qoyska iyo ehelada Marxuum Cumar Xaaji Maxamed, oo ka mid ahaa siyaasiyiiinta aad isugu howlay in laga gudbo dagaalka sokeeye lana dhiso Dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.

Allaha u naxariistee Cumar Xaaji Maxamed wuxuu ka qeyb galay wadahadallo iyo shirar dib u heshiineed oo ka dhacay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba wuxuuna ka mid ahaa siyaasiyiintii ku guuleystay in ay Baarlamaan Soomaaliyeed ku soo dhisaan Carta sannadkii 2000.

Marxuum Cumar Xaaji Maxamed, waxaa uu muddo dheer ka tirsanaa Xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu derejooyinka ugu sarreeya ka gaaray. Allaha u naxariistee Cumar Xaaji Maxamed oo mar Wasiir noqday wuxuu dalka ka soo qabtay xilal kala duwan.

Madaxweynuhu wuxuu Ilaaheey uga baryay in uu Marxuum Cumar Xaaji Maxamed ka waraabaiyo Jannada.

Dhammaad
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com