DEG DEG+DHAGEYSO: Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan “Liiska XaadirInta Xildhibaanada Waa La Jeex-jeexay “.

0

Muqdisho, AGGM: Sida warbaahinta u xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxaa la jeex-jeexay labo mar liiska warqada xaadirinta xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku xaroonaya gudaha xarunta Golaha shacabka, waxaana Xildhibaan waliba marka uu gudaha galo uu saxiixa warqada ay ku qoran yihiin magacyada Xildhibaanada meesha magaciisa uu ku qoran yahay.

Wararka warbaahinta ay helayso ayaa sheegaya in xubnaha diidan mooshinka laba mar ay jeex-jeexaan warqada oo markii hore ay jeexeen, kadibna lasoo daabacay mar kalena ay jeex-jeexeen.

Arintaan ayaa waxaa xaqiijiyay Xubno Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, iyadoo weli bahda Saxaafadda aan loo ogolaanin inay gudaha u galaan xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Xaalada ayaan wanaagsaneyn, waxaana lasoo warinayaa in Xildhibaanada mooshinka diidan ay u diyaarsan yihiin inaan mooshinkaasi la keenin xarunta Golaha shacabka.

Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan ayaa ka warbixiyay waxa ka socda gudaha Xarunta Baarlamaanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com