DEG DEG:- Mooshinka oo loo qeybiyay Xildhibaanada

0

Waxaa Goor-dhow loo qeybiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Warqadaha Mooshinka laga keenay RW C/wali Sheekh Axmed.

Inkastoo Saakay uu Kulanka ku furmay Fowdo & Buuq, waxaa markii danbe uu Gudoonka Baarlamaanka ku guulaystay in Warqadaha loo qeybiyo Xildhibaanada, sida uu allgalgaduud u xaqiijiyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xaaladda Hoolka Baarlamaanka waa mid kacsan, oo Xildhibaanada diidan Mooshinka ay samaynayaan Carqaladaad & Buuq badan.

Sida uu qabo Dastuurka KMG ah, marka la qeybiyo Mooshin Mudo 24 Saac kadib waxaa la billaabanaya ka doodista Mooshinka, waxaana Xildhibaan kasta la siin doonaa mudo 5 Daqiiqo ah oo uu uga hadlo Fekerkiisa ku aadan Mooshinka la qeybiyay.