Dhageyso: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Itoobiya Oo Degmada Maxaas Ku Soo Qabtay Dad Lala Xiriirinayo Falaagada Al Shabaab…

0

Maxaas, AGGM:Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgal lagu soo qab qabtay dad lala xiriirinaayo Al-shabaab waxay ka sameeyeen deegaano badan oo hoostaga degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Ciidamadaan ayaa soo qabtay dad gaaraya 10 ruux, waxaana saraakiisha dowladda ay sheegeen in dadka ay soo qabteen ku wadaan baaritaano, si loo xaqiijiyo tuhunka lagu soo qabtay.

Taliyaha ciidamada xooga dalka ee degmada Maxaas Maxamed Muumin Saneey ayaa u sheegay Warbaahinta gudaha dalka, in howlgalkaan uu ahaa sidii dadka shacabka looga caawin lahaa ka qabashada Al-shabaab oo uu sheegay in dadka dhibaato ay ku hayaan.

“Howlgalkaan waxa uu ahaa mid aynu ku doonaynay in aan shacabka ka qabano Al-shabaab, waxaan soo qabanay 10 qof oo Al-shabaab uga shakisannahay, baaritaan ayaa jira, wixii dambi leh cadaaladda ayaa la horkeenayaa, wixii dambi lagu waayana waa lasii deyn doonaan” ayuu yiri Taliyaha.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maalmahaan dambe howlgalo balaaran oo amni sugid ah waxay ka wadeen deegaano badan oo ka mid ah gobalka Hiiraan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com