Dhageyso: Diyaaradaha Dagaalka Kenya Oo Duqeeyay Degmada Jilib….

0

Kismaayo, AGGM: Wararka naga soo gaaraya Degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe, ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaaradaha dagaalka Kenya ay maanta duqeeyeen iyadoona faah faahino kasoo baxayaan duqeyntaasi.

Duqeynta ayaa ka dhacday Faraguuro iyo Hargeysa yareey ee Gobolka Jubada dhexe waxaana Saraakiil u hadashay Kenya ay sheegayaan in xubno katirsan Al Shabaab ku dileen duqeynta.

Dadka deegaanka ayaa waxay Saxaafada usheegeen in 10 qof ku dhawaad gantaaladaasi ku dhinteen.

Weli wax faah faahino intaan kabadan ah ma heyno waxaase Kenya ay sheegeysaa inay ku aar gudaneysay weerarkii dhawaan Al Shabaab shacabka ku laayeen duleedka Degmada Mandhera Gobolka Wuqooyi Bari Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com