Dhageyso: Diyaaradaha Kenya Oo Duqeeyn Ku Dilay Laba Ruux Oo Shacab Ah Iyo Xoolo Deegaanka Siinka Dheer…

0

Kismaayo, AGGM: Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa maanta waxay maanta duqeyn ka geesteen deegaano ka mid ah gobalka Jubada Hoose, kuwaa oo qasaare geystay.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in diyaaradahaan ay duqeeyeen deegaano u dhaxeeya magaalada Kismaayo iyo deegaanka Siinka dheer, iyadoo halkaasi ay ku dhinteen Laba qof oo Reer Miyi ah, sidoo kalena waxaa halkaasi ku baaba’ay xoolo badan.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan halka ay wax ka dhaceen ayaa Warbaahinta gudaha Dalka ayaa u sheegay in dadka dhintay ay ahaayeen Wiil iyo Gabar dhalinyaro ah, islaamarkaana Xoolo raacayay.

Isku soo wada duuboo Horjoogeyaasha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo sidoo kale saraakiisha AMISOM ee ku sugan Kismaayo kama ayaa ka hadlin duqeyntaan, maadaama ciidamada Kenya ay AMISOM ka mid yihiin.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com