DHAGEYSO FADEEXADAN: Xildhibaan Cabdi Barre “Warqadihi Mooshinka Xalay Ayaa Xildhibaanada Beel Beel Loogu Soo Qaybiyay ..

0

Muqdisho, AGGM:Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo ah kamid ah Xildhibaanada diidan mooshinka laga keenay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in Xildhibaanada mooshinka wada xalay loo qaybiyay qoraalka mooshinka.

Waxa uu sheegay in saaka markii la yimid xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho in Xildhibaan waliba uu jeebkiisa kala soo baxay warqada mooshinka, taasina wuxuu ku tilmaamay mid nasiibdaro ah in Mooshinka xaafadaha la isugu qeybiyo sida uu yiri.

Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf ayaa ku waramaayo in xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho buuq iyo sawaxan uu ka taagan yahay, xarunta Golaha shacabkana ay noqotay meel wada waraaqo ah sida uu yiri Xildhibaanka.
Weli xarunta ma imaanin Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xarunta Golaha shacabka ka socda buuq udhaxeeya labada garab ee Xildhibaanada.

Xildhibaan Cabdi Bare ayaa sheegaya inay sugayaan Guddoonka Baarlamaanka oo ay rabaan inay la hadlaan, isaga oo xaqiijiyay in bahda Saxaafadda loo diiday kulanka si buu yiri aysan u arkin Xildhibaanada warqadaha mooshinka jeebka kala soo baxaya.

Isku soo wada duuboo Mushkilad ayaa ka taagan Xarunta ay ku shiraan Baarlamaanka ee Golaha shacabka.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com