Dhageyso: Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan “Baarlamaanka Waxaan leenahay Yaan La Carqaladeen Hiigsiga 2016″….

0

Baladweyne, AGGM:Golahani oo ka kooban 63 oday dhaqameed oo maanta shirk u yeeshey magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa dhaliil u jeediyey xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo uu ka taaganyahay qalalaase sharciyadeed.

Nabadoon Iidoow oo ah ku xigeenka gudoomiyaha golaha odayaasha ayaa sheegey in baarlamaanada adduunka ay ku kala baxaan cod dheeri, ceebna ay tahay in baarlamaanka Soomaaliya uu buuq ka dhex dhasho.

Sidoo kale nabadoon Daahir Xirsi Nuur oo ah gudoomiyaha golaha ayaa yiri “Haka fiirsadeen, hana u fiirsadaan waxa ay sameynayaan xildhibaanada” isagoo intaasi ku daray in ay u dirayaan baaq ah in si mas’uuliyad ku jirto ay xal oga gaaraan khilaafka madaxda.

Odayaasha ayaa ku dardaarmay in baarlamaanka uu yahay kii dalka Soomaaliya uu qaranka ku ahaa, sidaasi darteed sumcadiisa la dhawro.

 

Halkaan Hoose Ka Dhageyso…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com