Dhageyso: Guddoomiyaha Balad Xaawo Yuusuf (Kaanti) Oo Cambaareeyay Duqeeynta Ciidamada Kenya Iyo Afhayeenka Ciidamada Kenya….

0

Balad Xaawo, AGGM:Maamulka degmada Beled-Xaawo ayaa cambaareeyay weerarkii labo maalmood ka hor ka dhacay duleedka magaalada Mandera ee gobolka waqooyi-bari Kenya ee lagu dilay 28 qof oo rayid ahaa.

Maamulka ayaa sidoo kale cambaareyay duqayn diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka geysteen deegaanka Gadood-dhawe oo ka tirsan degmada Beled-Xaawo.

Guddoomiyaha degmada, Yuusuf Maxamed Cabdiqaadir (Kaanti) ayaa u sheegay Warbaahinta BBC inay cambaareynayaan falka foosha xumaa ee lagu laalay dadka rayidka ahaa ee macallimiinta ay ku jireen.

Yuusuf ayaa sidoo kale cambaareeyay duqayn uu sheegay in diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka geysteen deegaanka Gadoon-dhawe oo lagu dilay hal qof oo rayid ahaa, laguna dhaawacay labo qof oo kale.

Dhinaca kale afhayeenka ciidamada Kenya ayaa isaguna dhiniciisa ka hadlay weerarkan cirka ah ee ay ka geeysteen gobolka Gedo

Isku soo wada duuboo Duqaymaha ayaa sidoo kale lagu dilay xoolo badan oo tiradooda la sheegin, Wuxuu ka codsaday ciidanka Kenya in duqaymaha ay geysanayaan ay ku bar-tilmaameedsadaan xarumaha cadowga, balse aanay waxyeellin dadka rayid ah.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com