Dhageyso: Gudoomiye Jawaari “Mooshinka Maalinta Isniinta Ah Ayaa La Keenayaa Baarlamaanka, Safar Shaqo Ayaa U Tagayaa Dalka Jabuuti…

0

Muqdisho, AGGM:Gudoomiyaha baarlamanka ayaa saaka u ambabaxay dalka Jabuuti isagoo sheegay in baarlamanka uu fadhi yeelandoono maalinta Isniinta ah.

Gudoomiyaha baarlmanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda dalka Jabuuti, wuxuuna sheegay inuu casuumaad ka helay dhiggiisa dalka Jabuuti.

“Jawaari” oo warfidiyeennada kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka hor inta uusan u duulin Jabuuti ayaa sheegay in baarlamanka uu fadhi yeelandoono maalinta isniinta ah, isagoo ka digay in la carqaladeeyo fadhiga baarlamanka, wuxuuna amaanay xildhibaanada ilaaliyay nidaamka islamarkaana muujiyaan asluub wanaagga.

Isku soo wada Gudoomiye jawaari ayaa la filayaa in dalka Jabuuti uu kulamo kula soo qaato madaxda dalkaasi, waxxa uuna dalka dib ugu soo laabanayaa Maalinta Axada ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com