DHAGEYSO:- Kenya oo sheegtay inay dishay ku dhawaad 100 dagaalyahan oo Alshabaab

0

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in maalintii shalay in ciidamo ka tirsan Alshabaab ay ku dileen duqeyn ay ka geysteen dalka Soomaaliya, kadib dilkii Alshabaab ay u geysteen 28 muwaadin oo Kenya ah.

Ma jirto cid kale oo xaqiijin karta sheegashada dowlada Kenya ee aadan duqeyn ay la eegteen ciidmada Alshabaab xili ay ku sugnaayeen meelo ku dhow magaalada Mandheera, halkaasi oo Alshabaab dad badan ay ku dileen.

Kenya ayaa sheegatay inay dileen ku dhawaad 100 dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab, laakiin ma aysan bixin faahfaahin dhameystiran oo ku aadan halka weerarka ay ka geysteen iyo qaabka uu u dhacay.

“anagoo daba joogna weerarkii Mandheera, ciidamadeena amaanka waxay sameeyeen jawaabta weerarkaasi, waxayna dileen inka badan 100 dagaalyahan sidoo kale waxay burburiteen gaadiid ay la socdeen oo hubka ay ku qaadanayeen”sidaasi waxaa yiri madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto.

Dhanka kale afhayeenka Alshabaab ayaa sheegay in Alshabaab wax weerar aysan la kulmin kadib howgalkii ay ka fuliyeen meel ku dhow degmada Mandheera ee dalka Kenya.

Kenya ayaa weeraro kala duwan kala kulan Alshabaab waxii ka dambeyay markii ciidamadeeda ay soo galeen dalka Soomaaliya dhamaadkii sanadkii 2011, iyadoo xiligaasi waxii ka dambeeyay lagu daray ciidamada AMISOM.