Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Iyo Wasiir Beeyle Oo Ka Warbixiyay Safarkooda…

0

Muqdisho, AGGM:Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayay oo dalka Denmark uga soo qeyb galay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si maamuus leh loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyntiisa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Wasiirka arrimaha dibadda mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka mid ahaa wafdiga madaxweynaha ayaa warfidiyeennada u sheegay in shirkii ay uga soo qeeybgaleen Denmark uu guul kusoo dhamaaday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com