Dhageyso: Nabadoon Xaad “Xalinta Khilaafka Xasan Sheekh Iyo Cabdiwali Sheekh Waxaa Galaya Odayaasha Dhaqanka”…

0

Muqdisho, AGGM: Nabadoon Maxamed Xasan Xaad Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimadda Beelaha Hawiye oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Odayaasha Hawiye ay Xalin doonaan Khilaafka Xoogan ee u dheexay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo C/wali Sheikh Axmed Ra’iisul Wasaaraha Dalka uu gaaray halkii ugu sareeyay Caalamka iyo Xildhibaanada Soomaaliyana ay Xalka Ariinkaas Rajo Xumo ka Muujiyeen.

“Anaga Soomaali ayaan nahay Waxii Soomaaliya soo kala dhex gala waligeed Geed Hoostiis ayaa lagu xalin jiray,Odayaasha Hawiye waxaa ay ku dadaalayaan in ay Arrinta Khilaafka Xal ka gaaraan “ayuu yiri Nabadoonka.

 

Halkaan Hoose Ka Dhageyso…


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com