DHAGEYSO:- Qorshe loo dajiyay weerarka Galhareeri iyo Ceeldheer

0

Gudoomiyaha degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud Nuur Xasan Guutaale oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dhawaan ay la wareegi doonaan deegaanada Alshabaab ay kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Wuxuu sheegay in qorshahasi ay ku doonayaan in Alshabaab ay kaga saaraan deegaanada Ceeldheer iyo Galhareeri, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Alshabaab.

Deegaanada gobolka Galgaduud ayaa malmahaan waxaa ka socday diyar garow ay sameynayeen ciidamada dowlada Soomaaliy iyo kuwa AMISOM si Alshabaab looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihin Galgaduud.