Dhageyso: Shiikh Xasan “Ciidamada Kenya Weligood Ayay Dhiigeena Baneysan Jireen, Haddana Dhiigeena Ayey Baneysanayaan”…

0

Gaarisa, AGGM: Maalmahan dambe waxa ka socday Magaalada Mombassa ee Dalka Kenya Howgal ciidanka Kenya ay ku bartilmaameedsanayeen Masaajidyada lagu cibaadeysto ee Alle lagu caabudo.

Shiikh Xasan oo ka mid Culimada Magaalada Gaarisa ayaa waxa uu si kulul uga hadlay weerarka ciidanka Kenya ku qaadayaan Masjidyada lagu cibaadeysto.

Waxa uu shiikha sheegay in Ciidanka Amaanka Kenya ay baneysteen dhiiga dadka Muslimiinta ah isagoo dawlada Kenya codsi udiray arintaan si wax ay uga qabato.

Culimada Kenya ku dhaqan ayaa sheegaya in Askarta Kenya ay mararka qaarkood dad usoo dhiibaan Calanka Al Shabaab si loo xalaaleysto dadka Muslimiinta ah dhiigooda waa sida uu hadalka udhigay shiikh Xasan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com