DHAGEYSO:-Shirka Hiigsiga Cusub Ee ka soconaya Copenhagen oo rajo wanaagsan laga muujiyay

0

Waxaa maalintii Labaad uu shirka dib u eegista wax qabadkii Soomaaliya ka soconaya magaalada Copanhegan ee dalka Denmarka halkaasi oo ay ku sugan yihiin madaxda ka tirsan Soomaaliya uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya.

Shirka oo wajigiisii koowaad Shalay ka furmay dalkaasi ayaa looga hadlay waxqabadkii Qorshaha New dealka mudada halka sano Ee Soomaaliya iyo waliba xaalada siyaasadeed ee iminka dalka ka taagan.

Wajiga labaad oo maanta ah ayaa looga hadlayaa sidii beesha caalamka iyo dalalka daneeya arimaha Soomaaliya u sii kordhin lahaayeen tageerada Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Dowlada iyo madaxda kale ee ka qeyb galeysa ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay sida uu shirka u socda iyo waxyaabaha mira dhalka ah ee ka soo bixi kara.

Wakiilka gaarka ee Urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Max’ed Cabdi Afeey iyo wasiirka arimaha gudaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mira dhalka shirka uu yahay mid wanaagsan.

Beesha caalamka ayaa ka walaacsan xaalada cakiran ee dhanka siyaasada ee ka taagan Soomaaliya gaar ahaan khilaafka u dhaxeeya madaxda Soomaalia.