Dhageyso: Siyaasiin,Waxgarad Iyo Xubno Sare Oo Ka Tirsan Dowladda Oo Ku Wajahan Degmada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo…

0

Garbahaarey, AGGM: Xubno isugu jira Dowlada Federaalka Soomaaliya, siyaasiin, iyo waxgarad ayaa lagu wadaa in ay gaareen Magaalada Garbaharay ee xarunta gobalka Gedo si ay uga qayb galaan wajiga Labaad shir dib u heshiisiin ah oo lagu qabanayo Magaaladaasi.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa Midnimada, Nabadda iyo Horumarinta Gobolada Jubooyinka inta uu shirka ka soconayo Magaalada Garbahaarey.

Siyaasiinta lagu marti qaadayo shirkan ayaa dhankooda lagu heshiisiin doonaa halkaasi, kuwaas oo ku kala aragti duwan Maamulada laga hergalinayo Koonfurta Dalka oo uu ka jiro Gobolada Jubooyinka.

Shir Gudoonka Shirka Midnimo 2  Shiikh Cabdi kariin Shiikh Ibraahin ayaa sheegay in Xubno ka socda Maamulka KMG Juba ay ka soo qayb gali doonaan shirkaasi.

Sidoo kale mas’uulkaan ayaa inoo sheegay in xubanaha dowladda ka socda yihiin Xildhibaano, kuwaa oo horay usoo furay wejigii Koowaad ee Shirkaan kaas oo looga hadlay arimo ku aadan xalinta iyo iscafinta beelaha degan Gedo.

MIDNIMO ONE

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com