Dhageyso: Wasiir Goodax Barre” Hadaan Iscasilno Waxaan Ka Baqanaynaa In Raisalwasaraha Uu Wasiiro Cusub Soo Magacaabo”.

0

Wasiirka Arimaha Gudaha  Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ahaa 14 Wasiir oo Raisalwasare Abdiweli ugu baaqay in uu deg deg Isu casilo hadii uu iscasili waayana ay ayagu iscasili doonan ayaa manta ka hadlay sababta ay isku casiliwayeen.

Cabdullaahi Goodax Barre oo la waydiiyay waxaa ay isku casiliwayeen Maadaama Raisalwasaaraha uu ka dalbaday qofkii aan la shaqayn karin in uu is casilo ayaa waxaa uu ku jawabaay.

Waxaan isku casiliwaynay waxaa jira Cabsi aan ka qabno in Raisalwasaare Abdiweli uu soo magacaabo Wasiiro kale taas oo khilaafka uga sii dari karta,

Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Cabdilahi Goodax Barre Cabdullaahi Goodax Bare ayaa sheegay in Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed uu yahay hogaamiyahooda,iyaguna ay yihiin Wasiiradiisa talana la isku leeyahay.

Hadalka Wasiirka ayaa waxaa ka muqda in Wasiirada Taageersan Madaxweyne Xasan Sheikh aysan ka go,nayn in ay iscasilaan maadaama aysan hubiin in ay soo laaban doonan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com