Dhageyso: Wasiir Khadiija ” Aniga Kuma Jiri Wasiiradda Waashay Ee Leh RW-ha Ha Iscasilo, Wasiiradaas Iyagaan Leeyahay Is Casila”

0

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Hormarinta Xaquuqda Aadanaha Xukuumada Somalia Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo iyadoo ku sugan Wadanka Denmark kana qayb galeysa shirka Hiigsiga cusub u warantay BBCda ayaa waxaa ay ka hadashay Hadal dhawaan ka soo yeeray Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada kuwaas oo Ra,iisul Wasaaraha Waydiistay in uu Xilka iska Casilo .

Wasiir Khadiijo ayaa Waxaa ay Aad u Cambaareysay Hadalkaas Waxaana ay ku tilmaamtay ku Xadgudub Xaquuqda Aadanaha ah oo ay Wasiiradaasi ku kaceen Waxaana ay u gafeen bey tiri Ra,iisul Wasaaraha Somalia .

“Waxaan u arkaa in ay ku Xadgudbayaan Xaquuqda Aadanaha Wasiiradani ku baaqay in Ra,iisul Wasaaruhu is casilo Waxaan leeyahay Wax shaqo ah ama sharciba uma lahan in ay hadalkaas sheegaan Iyagu maa is casilaan haday ku fashilmeen Xilkii loo dhiibtay Arintaasi sax maahan”ayay tiri Wasiir Khadiijo.

Mar ay ka hadleysay Mooshinka Kalsooni kala Noqoshada ah Ee Xukuumada ka yaala Golaha baarlamaanka ayay ku tilmaamatay mid aanba sharci ahayn oo aan wadadii saxda ahayd ku imaan Baarlamaanka.

“Mooshinkaan Waa sharci daro Wadadii saxda ahayd sooma uusan marin Wado qaldan ayuu ku yimid Gudoonka Baarlamaankana waa looga digay mooshinkaas in uu qabto in Xildhibaanadu buuq sameeyaan sidaas ayaa keentay Xildhibaanada Ra,iisul Wasaaraha ka soo horjeeda haday 140 yihiin kuwa taageersana waa 140 marka sharciga hala ilaaliyo”sidaas waxaa tiri Wasiirka haweenka.

Golaha Wasiirada ayaa iyagu u muuqda in sidii Golaha Baarlamaanka ay ugu kala qayb sameen Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra,iisul Wasaaraha waxaana arintaan ku jaho wareersan Bulshada Soomaaliyeed Ee Madaxda loo yahay .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com