DHAGEYSO:- Wasiirka Garsoorka iyo arimaha Dastuurka oo ka hadlay qilaafka labada masuul ee dalka

0

Shirka heerka sare ee iskaashiga Soomaaliya iyo bulshada caalamka oo ay martigalisay Denmark balse ay hagayeen QM iyo dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Copenhagen.

Waxaa uu ahaa kulan lagu eegayay muddo sanad ah wixii ka qabsoomay yaboohii bulshada caalamka in ay maalgaliyaan qorshayaasha dowladda ee nabad iyo dal dhiska Soomaaliya.

Wasiirada dowladda Federaalka shirka uga qaybgalay waxaa ka mid ahaa Faarax Cabdulqaadir oo shirka ku soo bandhigay waxqabadka wasaaradda cadaaladda iyo horumarka ilaa hadda laga sameeyay dib u dhiska garsoorka dalka.

War murtiyeedka ka soo baxay shirka ayaa iyadoo inta badan la ammaanay horumarka ilaa hadda dowladdu ku tallaabsatay, hadana la dhaliilay meelaha qaar oo dowladdu ka dib dhacday bartilmaameedkeeda.

BBC-da ayaa waraystay Faarax Cabdulqaadir, waxaana uu ka hadlay shirka iyo khilaafka ee hoos ka dhageyso