Dhageyso” Xisbi uu hormuud kayahay Tarsan oo Muqdisho looga dhawaaqay.

0

Muqdisho, AGGM: Munaasabada lagu daah furayey Xisbiga Cadaalada iyo Bulshada ee uu hormuudka ka yahay gudoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan waxaa ka soo qeyb galay xubno isugu jiray xildhibaano, Siyaasiyiin, waxgarad, ururada haweenka iyo dhalinyarada iyo qaar kamid ah gudoomiyeyaashii maamulkiisii gobolka xilalka ka hayey.

Qeybo kala duwan oo kahadlay madasha ayaa muujiyey ahmiyada xisbiga cadaalada iyo bulshada oo sida ay sheegeen dhinacyo badan kaga duwan xisbiyada kale ee dalka kajira marka loo eego bey yiraahdeen hadafka xisbiga iyo ujeedooyinka uu leeyahay oo ku saleysan isku filnaasho dhaqaale oo ay gaaraan dalka iyo dadka Soomaalida.

Gudoomiye Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo kahadlay hadafka xisbiga ayaa muhiimadaha ugu horeeya ee loo aas aasay xisbigan ku tilmaamay in lahelo cadaalad dhab ah iyo qodobo kale oo muhiim u ah dalka waxaana uu muujiyey kalsoonida xisbiga ee ku wajahan in uu horseedi karo isbadel muuqda.

Tarsan ayaa mudo soo hayey xilka gudoomiyaha gobolka iyo duqa Muqdisho waxaana dad badan ay sheegeen in mudadaasi uu hirgaliyey talaabooyin ilaa iyo iminka ay ku nacfiyaan bulshada gobolka Banaadir.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com