Dhageyso+Sawirro:Gudoomiye Muungaab Iyo Danjire Nicholas Kay Oo Ku Kulmay Xarunta Dowladda Hoose Ee Muqdisho, Maxay Ka Wada Hadleen?

0

Muqdisho, AGGM: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho General Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa Maanta Xafiiskiisa Degmada Heliwaa ku qaabilay Danjiraha QM u qaabilsan Arimaha Somalia Ambassador Nicholas kay.

labada Mas,uul ayaa Waxay ka wada hadleen Dar dar galinta Amaanka Caasimada Muqdisho, Doorashooyinka Golaha Degaanka iyo sidoo kale dar dar galinta Howlaha Dariseynta Ee Maamulka Gobolka banaadir uu ku howlanaa dhawaanahaanba.

Gudoomiyaha Gobolka iyo Daniraha Qaramada Midaabay ayaana isla gartay Muhiimada ay leedahay Hirgalinta Qorshayaashaas iyadoo Kay uu Gudoomiyaha u Balan qaaday in uu Xafiiskiisu ka qayb qaadanayo Fududeynta Howlahaas Maamulka Gobolka Banaadir uu ku Howlanyahay in Caasimada laga hirgaliyo.

Afhayeenka Maaamulka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax Cali seeko oo Kulanka ka dib la hadlay Idaacada Risaala ayaa sheegay in labada Masuul ay isla afgarteen arimihii ay ka wada hadleen.

Cali Seeko ayaa Sidoo kale sheegay in labada Masuul ay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iska dhex galka Bulshada iyo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Shacabka Gobolka banaadir iyo Ciidamada Amaanka.

muungaab1

muun muun1

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com