Dhageyso+Sawiro: Xaflad Arday Shahaadooyin Lagu Gudoon Siinayay Oo Ka Dhacdey Magaalada Caabudwaaq.

0

Caabudwaaq, AGGM: Xafladaan oo ahayd mid aay soo qaban Qaabiyeen Macalimiinta iyo Maamulka Macadka House of Knowlege Instiute Oo Marka Magaciisa loo soo Gaabiyo HNI ayaa Waxaa in ka badan 50 ardey Shahaadooyin lagu Gudoonsiinayay Halkaasi ka dib Markii aay dhameeyeen Wareegi 1aad ee Camputerka.

Ardaydan ayaa Waxa ay ayaaheen Dufcadii 4aad ee Macadkaasi ka qalin jabisey, Waxaan halkaas isugu yimid Qeybaha kala duwan ee Bulshada oo dhamaantood ee la dhacsanaa Qaabka quruxda badan ee aay ardadani usoo bandhigeen waxa aay barteen.

Maamulka iyo Macalimiinta Macadkaas HNI ayaa iyaguna Waxa aay dhankooda ka Hadleen Waqtiga Gaaban ee aay ardadan wax barashadu usoo socotey iyo Najiidada aay ka soo Xareeyen in aay tahay wax ku Ool lagu Faani karo.

Ugu danbeyntii Ardeydii Shahaadada la Gudoonsiiayay Ayaa Dareen Kooda Farxdeed Halkaas ku Cabirey Iyaga oo Sheegay In aay U tahay Maanta Ciid iyo Maalin Farxadeed….

Halkaan hoose Ka Dhageyso…

CYMERA_20141124_043349 CYMERA_20141124_043400 CYMERA_20141124_043912 CYMERA_20141124_043945 CYMERA_20141124_045011 CYMERA_20141124_045114 CYMERA_20141124_050525 CYMERA_20141124_050552

W/D. Sharmaake Cabdi Khaliif
ceeljaale144@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com