Dhageyso:Gudomiyaha Ahlu Sunna Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye “Shirka Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe Waa In Magaalada Caabudwaaq Lagu Qabtaa”….

0

Caabudwaaq, AGGM:Gudomiyaha sadexda Golle ee Maamulka Ahlusunna Waljamaca ee Gobolada dhexe Ahna xubin ka tirsan Saxiixeyaasha Maamul usameynta Gobolada dhexe Sheikh Ibraahim Guureeye oo la hadlayay Idaacada V.O.S ee magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa uu ka hadlay arimo badan.

Sheikh Ibraahim Guureeye ayaa waxaa uu sheegay in Qorshihii Maamul usameynta Gobolada dhexe u wali socdo inkasta oo ay jirto gaabis iyo ismariwa ka dhex jira beelaha wad daga gobolada maamulkaasi lo samaynayo.

Gudomiyaha sadexda Golle ee Maamulka Ahlusunna Waljamaca ee Gobolada dhexe mar uu ka hadlayay Shirkii Copenheegan ka dhacay ayaa waxaa uu sheegay in shirkaasi aan loga qayb galin sidii lo bahna oo ay dhacday dhabar iska daabasho iyo Musuq maasuq ay sameyeen Madaxda Dowlada.

Sheikh Ibraahim mar uu ka hadlay martigalinta shirka ayaa waxaa uu sheegay in shirka Maamul usameynta Gobolada dhexe ay tahay in lagu qabto Dagmada Cabudwaaq oo ahayd Xaruntii lagu soo dhisay Maamulka Ahlusunna,

Gudomiyah oo hadlkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in marti galinta shirkaasi ay ila hada soo dalbadeen Dagmoyinka Dhusamareeb iyo Cadaado lona bahaan yahay in Maamulka shacabka Dagmada Cabudwaaq ay u diyaar garooban martigalinta Shirka Maamul usameynta Gobolad dhexe ee Somalia.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com