Dhageyso:Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Haweenka, Nabada iyo xasilinta…

0

Muqdisho, AGGM: Wasiiro ka tirsan xukumadda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho kula kulmay wakiilka Gudoomiyaha Midowga Afrika ee haweenka, amniga iyo xasilinta Mrs Bineta Diop oo maanta soo gaartay mgalaada Muqdisho.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Wasiirka Difaaca ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Federaalka mudane Cabdullaahi Goodax Barre, caafimaadka ali Maxamed Maxamuud “Cali Xareed” Wasiir Burci Maxamed Xamza iyo mas’uuliyiin kale waxaana diiradda lagu saaray arrimo ay ka midyihiin sidii loo xoojin lahaa taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo xasilinta guud ahaan amniga dalka.

Kulanka marka uu soo dhamaaday ayaa waxaa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay waziirka difaaca soomaaliya iyo haweeneyda gudoomiyaha gudiga midowga afrika u qaabilsan arimaha haweenka, nabada iyo xasiloonida waxa ay waraabhinta ay faah-faahin ka siiyeen kulanka oo  mudo ku dhow hal saac socday iyo qodobadii kasoo baxay.

Mrs Bineta Diop Wakiilka Midoga Afrika u qaabilsan arrimaha Haweenka, Nabada iyo xasiloonida ayaa sheegtay in waxyaabaha kulankooda kasoo bxay ay ka mid yihiin in laga shaqeeyo horumarinta iyo tayeynta ciidamda AMISOM iyo kuwa qalabka sida ee Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa tilmaamay in ay isla garteen in awood la siiyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si ugu filnaadaan difaaca dalka, marka uu dhamaado joogitaanka ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com