Dhambaal Tacsiyeed: Culumaa’udiin Iyo Waxgarad Ka Tacsiyeenaya Geerida Marxuum Gen. Cumar Xaaji Maxamed Masale….

0

Dhambaal Tacsiyeed: Jaaliyada Beesha Sade ee dalka Norway ayaa waxa ay tacsi u dirayaan dhamaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaana qoyskii, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Wasiirki Hore Ee Gaanshaandhiga ee Dowladdi Dhexe Ee Soomaaliya Marxuum Gen. Cumar Xaaji Maxamed Masale oo galabta ku geeriyooday magaalada Leicester ee dalka Ingiriiska.

Anaga oo ka tiiraanyoonayna geeridaa naxdinta leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum Gen. Cumar Xaaji Maxamed Masale, “Geeridu waa xaq, waxaana eebe uga baryaynaa in Marxuum Gen. Cumar Xaaji Maxamed Masale uu Alle janadii Fardowza ahayd ka waraabiyo, qoyskii, ehellada iyo Ummada Soomaaliyeed ee uu ka tagayna, samir iyo iimaan uu eebe ka siiyo”

Allaha u naxariistee Marxuum Gen. Cumar Xaaji Maxamed Masale ayaa horey waxa uu xilal kala duwan uga soo qabtay Dowladdi dhexe ee Soomaaliya waxuuna noqday Wasiirka Gaashaandhiga, waxuuna waxbadan u qabtay Ummada Soomaaliyeed sidoo kale waxa uu sumcad weyn ku dhex lahaa Saraakiisha Sare ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.

Waxaa Tacsidan Diraya:

 
1- Sheekh Cabdulqaadir Cali Madoow

2- Sheekh Cabdicasiis Aden Bucul

3-Sheekh Ismaaciil Biixi

4- Sheek Cabdirashiid Macalin Cabdullaahi

5- Xaaji Cabdi Maxamed Guuleed (Dhoombe)

6- Saafi Diiriye Caytan

7- Canab Cabdi Galax

8- Sacdiyo Aagaan Labaale

9- Canab Cali Gaas

10- Qoran Cabdi Axmed

11- Faadumo Busuri

12- Faadumo Sheekh

13- Faadumo Caafi

14- Faadumo Bare
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com