Dowladda Federaalka oo Cambaareysey Dilkii Wariye Abdirizak Ali Abdi (Silver).

0

Mogadishu, Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Duhulow ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii wariye Abdirizak Ali Abdi (Silver) oo xalay gacan ka xaq daran ay ku dishay magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Wasiirka ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa Innaa Illaahi Raajicuun, sida ugu adag ayaan u cambaareyneynaa dilkii wariye Abdirizak Ali Abdi (Silver) oo xalay lagu dilay Gaalkacyo. Abdirizak waxuu ahaa wariye dhalinyaro ah oo firfircoon lahaana mustaqbal fiican. Waa nasiib daro in dilalka suxuufiyiinta ay weli sii socdaan oo kani waa dilkii seddexaad ee saxaafadda sanadkan 2014. Shacabka Soomaaliyeed uma dulqaadan karaan in dhalinta firfircoon ee u taagan danta dalka, diinta iyo dadka in la ugaarsado.”

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Waxaan tacsi u dirayaa qoyskii, bahda saxaafadda, Maamulka Puntland iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana EEBBE uga baryayaa in Abdirizak uu jannadii fardowsa ka waraabiyo annagana SAMIR iyo IIMMAAN naga wada siiyo. AAMIIN. Waa inaan u wada istaagnaa dhammaantiin sidi aan u badbaadin laheyn suxufiyiinta oo ah dadka runtii ka danbeeyey isbedelka dhabta ah iyo horumarka dalka ka jira. Warbaahinta waa tan gaarsiisa bulshada Soomaaliyeed akhbaarta iyo horumarka dalka.”

DHAMAAD 
Wasaaradda Warfaafinta, Somalia 
media@moi.gov.so

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com