Faah-faahin Qarax ka dhacay Degmada Baraawe

0

Qaraxa oo ahaa miinada meelaha fog laga hago waxaa lala beegsaday Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka kuwaasi oo miinada loogu aasay goob xilli kasta ay fariistaan.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Baraawe waxa uu warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxa ay ku dhinteen labo askari oo ka tirsan dowladda mid kalane waa uu ku dhaawacmay.

Qaraxa kadib waxey Ciidamada dowladda ka sameeyeen qeybo ka mid ah xaafadaha degmada Baraawe raaf xoogan ay kula dhaqaaqeen shacabka degmada’iyagoona xabsiga dhigay tiro dad shacab ah