Garsoorka Soomaaliya oo Jiddah looga hadlay

0

Shir sanadeedkii wasiirrada Caddaalada dalalka Carabta ay ku yeesheen magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga ayaa la soo gaba gabeeyay, Iyadoo xoogga lagu saaray mudadii uu shirku socday dhismaha hay’adaha Garsoorka Soomalia.

Shirka oo ahaa kii 30aad, waxaa Soomaaliya uga qeyb galay wakiilka jaamacadda Carabta u qaabilsan Cabdirisaaq Siyaad Cabdi iyo xoghayaha labaad ee safaaradda Soomaaliyeed ee sacuudiga.

Ka qeyb galayaasha shirka ayaa isku raacay in loo baahan yahay in Soomaaliya laga taageero xoojinta hannaanka garsoorka, ayadoo tababarro iyo waxbarasho dibadeedna la siinayo shaqaalaha garsoorka waddanka.

Sidoo kale waxaa ka shirka ka qeyb galay khubarro Soomaaliyeed oo arrinaha sharciga ku xeel dheer, kuwaas oo talooyin ku aaddan sida loo xoojin karo garsoorka la wadaagay shirka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan sidii dib u habayn loogu sameyn lahaa garsoorka waddanka, si ay hay’adaha garsoorku si wanaagsan ugu gutaan howlahooda