Hay’ada beeraha QM oo kahadashay abaaraha Soomaaliya

0

War-saxaafadeed kasoo baxay hayada beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay inay sii kordhayaan dadka u baahan gargaarka aadanimo ee ku nool gobolada dalka Soomaaliya.

Hayada waxay sheegtay in inka badan hal milyan oo dad ah ay ku jiraan xaalad adag ayna u baahan yihiin gargaar, waxaana warka lagu sheegay in 20% ay kusii kordheen lixdii bilood ee ugu dambeysay.

“Haddii aan wax walba ka baranay sanadkii 2011 abaartii dhacday, hadda waxaa loo baahan yahay ficil deg deg ah”sidasi waxaa yiri Bukar Tijano, oo ah caawiyaha agaasimaha iyo wakiilka hayada ee Africa.

Wuxuu sidoo kale sheegay in qibrad laga helay digniinihii horay loo jeediyay, ayna wanaagsan tahay in laga hortagaa masiibo kale oo ka dhacda dalka Soomaaliya.

Hayada ayaa sidoo kale sheegtay in labada wabi ee mara dalka Soomaaliya Jubba iyo Shabeele laga baqayo inay faratahaado geystaan ayna sababaan in dalag badan oo la abuuray ay gooyaan.

Roobab la’aantii dhacday xiligii lasoo dhaafay ayay hayada FAO ku sheegtay inay sababtay in dad badan ay soo foodsaarto macluul daran, taasi oo sii kordhisay tirade

– See more at: http://risaala.net/articles/22940/Hayada-Beeraha-QM-oo-sheegtay-inay-kordheen-tirada-dadka-abaaraha-ku-heysato-dalka-Soomaaliya#sthash.jIZGmMKr.dpuf