Howlgalka ciidamada Midowga Yurub ee burcad badeeda oo la kordhiyey

0

Warsaxafadeed ka soo baxay ururka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in howlgalka Athlanta ee ka socda xeebaha Soomaaliya laguna dagaalamayo waxa loogu yeeray Burcad badeeda Soomalida mudo labo sano loogu kordhiyo howlgalkooda.

Midowga Yurub ayaa sheegay in muhiimada Howlgalka Athlanta ay tahay sidii diirada loo saari lahaa badqabka dadaaallada gar-gaarka lagu gaarsiinayo Soomaliya iyo in maraakiibta xamuulka sida ay si nabad ah u maraan badaha dalka ay colaaduhu ka jiraan.

“Waxaa jiray guullo muhiim ah oo laga gaaray howl-galkan tan iyo markii la bilaabay 2008-dii ,balse waxaa la garowsaday in khatarta burcad badeedda ay wali tahay mid sii jirta” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Brussels.

Sidoo kale warsaxafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu dhimayo sanadihii u danbeeyay Qatarihii badnaa ee kooxaha Burcad badeeda ay ku hayeen xeebaha Soomaaliya,taasi oo saameyn ku ahayd maraakiibta ganacsi iyo kuwa gargaarka ee gooshi jiray xeebaha iyo meelaha ka baxsan Soomaaliya.

Waxaa la qorsheeyay in barnaamijkan labada sano ee so socota ay ku baxdo lacag dhan 14.7 million euro ,iyadoo howlgalkan uu hogaaminayo taliyaha guud ee ciidamada mariiniska boqortooyada Ingiriiska oo lagu magacaabo Jen. Martin Smith.

Ugu danbeyntii Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday inuu jiro walaac yar ay ka qabaan in dib ula soo laba kac leeyaan weeraradii is daba jooga ahaa ee Burcad badeedu ay qaadi jireen.