Jawaari ma dheelay mise dheeshuu ku ciyaaray (Warbixin)

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa sii huriyay khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha Dowladda iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada, markii uu Bayaan ku sheegay inuu hakiyay mooshinkii laga keenay Xukuumada.

Xilli Guddoonka Sare ee Baarlamaanka uu qirsan yahay in Isniintii mooshinka loo qaybiyay Xildhibaanada Baarlamaanka, ayuu dhanka kale uu Jawaari sheegay inaan mooshinka horey loo sii amba qaadi karin, ilaama xal looga helaayo Xildhibaanada buuqa iyo sawaxanka sameyneysa.

Tani, ayaa waxay liddi ku tahay waxyaabihii ku qornaa nuqulada mooshinkii loo qaybiyay Xildhibaanada. Mooshinka waxaa ku qoran in 24-ka bisha November la qaybiyay waraaqihii mooshinka, ayna Xildhibaanadu ka doodi doonaan 30-ka bishaan. Waxaana shaki xoog leh laga muujinayaa sida leesku waafajin doono waxa ku qoran mooshinka iyo Bayaankii uu Jawaari ka soo saaray, buuqa iyo sawaxanka ruxay Xarunta Golaha Shacabka.

Sharci yaqaanada, ayaa kuu sheegaaya in Gudoomiyaha Baarlamaanku uu lee yahay awoodo gaar ah, oo uu wax kaga qaban karo Xildhibaanada arbushaada ku sameyneysa qabsoomida kalfadhiyadii Baarlamaanka.

Xildhibaan C/raxmaan Axmed Suge oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Somaliya, ayaa waxa uu isna iftiimiyay in Gudoomiye Jawaari uu lee yahay awoodo uu xabsiga ku dhigi karaayo, Xildhibaanada ka biyo diidan in kulamada Baarlamaanka, ay si caadi ah u qabsoomaan.

Xildhibaan Suge waxa uu Jawaari ku eedeeyay inaanay daacad ka ahayn, in si caadi ah ay u qabsoomaan kalfadhiyada Baarlamaanka, xilli natiijo isku mid ah ay ku soo dhammaadeen, labadii kulan ee ka horeeyay fadhigii Isniinta.

Maxay tahay xagal daacinta Jawaari?

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa waxaa la rumeysan yahay in uu gacan bidixeynaayo inuu tallaabo ka qaado Xildhibaanada is hortaaga ku sameyneysa kulamada Xildhibaanada Baarlamaanka. Sababo ku aadan Jawaari oo si weyn kaga biyo diidan doorashadii 17-kii bishaan uu ku soo baxay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed (Saddexda Gobol) Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Khilaafka Jawaari iyo Shariif Xasan, ayaa soo bilowday bartamihii sanadkii 2012-ka, xilligaa oo Jawaari uu u tartamaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka, halka Shariif Xasan uu isna xusul-duub ugu jiray inuu noqdo Madaxweynaha Wadanka. Jawaari waxa uu xilligaa cunaqabateeyay Shariif Xasan, oo ka baxay tartankii doorashada Madaxtinimada, maadaama ay isu deegaan ka soo jeedaan, isla-markaana uu halbeega 4.5 xadidaayo, nidaamka awood qaybsiga ee beelaha.

Jawaari, ayaa ku mowqif noqday Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada C/weli Sheekh Axmed, marka ay noqoto tallaabada uu ku soo baxay Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo ay horey u wada saluugeen, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu soo dhaweeyay.

Labadaan xubnood, ayaa jegada uu ku soo baxay Shariif Xasan waxa ay la doonayeen xubno kale oo deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool, walow aynaan taasi u suuroobin.

Jawaari oo diiday in Caalamka uu soo fara-geliyo khilaafka Madaxda Dowladda!

Tallaabada uu Jawaari ku diiday in Caalamka uu soo fara-geliyo khilaafka siyaasadeed ee Magaalada Muqdisho ka taagan, ayaa waxaa lagu sheegay inuu ka carooday tallaabadii uu Madaxweynuhu ku taageeray doorashadii Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Jawaari, ayaa waxa uu ku adkeystay in xalinta khilaafka Madaxda Dowladda loo daayo Baarlamaanka Somaliya, maadaama Baarlamaanka loo askumay fududaynta amuuraha murugsan ee markaasi taagan iyo in dalka uu ku haggo tubta toosan.

Afhayeenka Baarlamaanka, ayaa waxay dadka qaarkii ku eedeynayaan inaanay daacad ka ahayn soo afjarida khilaafka taagan, isagoona u arka mid uu kaga aargudan karo Madaxweynaha, oo taageeray doorashadii Baydhabo.

Xasan Xuseen Yaxye oo ka mid ah aqoonyahanada Somaliyeed ee qurbaha ka soo laabatay, kuna nool Magaalada Muqdisho, ayaa qaba in Jawaari uu kala fur furi karo xaalada cakiran ee ka taagan Xarunta Baarlamaanka Somaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com