Jawaari oo Jabuuti kula kulmay gudoomiyeyaal Baarlamaan”+sawiro

0

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wafdi Xildhibaanno ah oo uu hogaaminayo ay ku sugan yihiin magaalada Jabuuti ayaa saakay ka qeybgalay Munaasabad lagu furayey dhisme cusub oo uu ku howlgali doono Golaha Baarlamaanka Qaranka Jabuuti.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kulammo gaar gaar la qaatay gelinkii dambe ee maanta Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka caalamka qaarkood iyo safiirro.

Munaasabadda furitaanka dhismaha cusub ee Baarlamaanka Jabuuti oo maanta uu si rasmi ah xarigga uga jaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele waxaa sidoo kale lagu marti qaaday oo ku sugnaa Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada dalal caalamka ka tirsan sida Gudoomiyaha Baarlamaanka IRAN oo dalkiisa uu dhismahan hirgeliyey, Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Saudi Arabia,Imaaraadka Carabta,Jaamacadda Carabta,Kuwait,Yemen, Sudan iyo hormuudka Baarlamaannada Afrika.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kulammo gaar gaar ah gelinkii dambe ee maanta kula qaatay Hotelka Kampiski ee magaalada Jabuuti Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Iran,Imaaraadka Carabta iyo Jaamacadda Carabta kuwaasi oo dhammaan ay ka wada hadleen xiriirka iyo wada shaqeynta uu Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la leeyahay Baarlamaannadaasi,sidoo kalena Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu kulammo la qaatay safiirrada dalalka caalamka qaarkood u fadhiya dalka Jabuuti.w ra ja i