Jidgooyooyin laga qaaday Shabelaha hoose

0

Howgalladaan lagula dagaalamayo jidgooyooyinka sharci darrada ah ayaa waxa ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaanno ay ka midyihiin Muuri, No.50, No.60, Ceel-wareegoow, Buufoow, Shalaanbood, Qoryooleey, Buulo-mareer iyo kuwa kale, waxaana saraakiisha ciidamada ay goobaha laga ceyriyo maleeshiyaadka isbaarooyinka dhigteen lagu wareejiyay cutubto ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Saraakiisha ciidamada ee howlgalka hogaamineysay ayaa taliyeyaasha ciidamada ku amray in ay xil adag iska saaraan la dagaalanka isbaarooyinka, iyagoo xusay in haddii qof muwaadin ah lagu dhaco in talaabo adag laga qaadi doono.

Qaar ka mid ah dadka deeganka oo la hadlay warbaahinta  qaranka ayaa soo dhaweeyay howlgallada lagu ciribtirayo maleeshiyaadka jidgooyooyinka dhiganaya

Guddoomiye ku-xigeenka amniga gobalka Shabeelaha Hoose  Cali Nur Maxamed ayaa sheegay in kan maamul ahaan aysan u dulqaadan doonin in bulshada lagu dhibaateeyo waddooyinka dhexmara gobolka, isagoo digniin u diray kooxaha sida  dhuumaaleysiga dadka iyo gaadiidka ugu dhacaya dareeska ciidamada.

Jeneraal Maxamed Xasan oo ka mid ah saraakiisha hogaamineysay howlgalladaasi ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu digreeto ka soo saaray dhigashada isbaarooyinka, waxaana uu intaa ku daray in taliyaha guutada shanaad amar lagu siiyay in uu ka hortago falalka lagu dhibaateynayo gaadiidka iyo shacabka isaga kala goosha deegaannada gobolka Shabeelaha Hoose.