KASHIFAAD:- Xagee loo waday Kunteenar hub ah oo lagu qabtay Dekada Muqdisho iyo halka uu ka yimid?

0

Iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho Dekadeeda lagu qabtay ayaan waxaan dabagal ku sameynay qaabkii loo qabtay hubkaas,halkii uu ka yimid cidii uu u rarnaa iyo meesha uu ku socday.

Hadaba qaar ka tirsan shaqaalaha Dekada oo aan wareysi gaar gaar ah la yeeshay ayaa inoo sheegay in qaabka lagu fahmay hubkaan iyo walxaha qarxa ay eheyd ka dib markii mid ka mid ah xamaaliyaasha oo wada gartoon ka mid ah walxahaas uu dhulka kaga dhacay sidaasna lagu arkay markii ay dhulka ku daateen wixii ku jiray.

Markii la arkayay alaabtaan ayaa inta badan waxaa la saaray baabuurtii loogu talagalay iyadoo hadii uusan xamaaligaas ka dhici laheyd kartoonkaas aan la dareemi laheyn misana aan la qaban laheyn.

Kunteenarkaan ayaa la xaqiijiyay in Markabka laga soo saaray Dekada Barabara isla markaana uu watay ganacsade reer Somaliland ah balse Dekada Muqdisho in laga dajiyo uu laba nin ku soo qortay kuwaas midkood oo magaciisa alaabta ku qorneyd uu hadda xiran yahay shaqsigii lahaana aan la qaban.

Wararka waxa ay intaas ku darayaan in ka dib marka baabuurta la saaro ay baabuurtaas u rarnaayeen Jilib si halkaas ay u geeyaan isla markaana Al-Shabaab ay kula dagaalamaan.

Kunteenarkaan ayaa waxaa markii hore laga keenay dalka Iran laakiin waxaa lasoo marsiiyay Somaliland si aan loo dareemin in si toos ah uu dalkaas kaga yimid ama uusan tuhun soo gali.

Hadaba maxaa loo adeegsadaa aaladaha ku jiray,waxaa ku jiray dhar ciidan oo Al-Shabaab soo xirtaan marka ay qaraxyada ka sameenayaan goobaha Dowladda ,sidoo kale waxaa ku jiray miinooyin casriga ah ee baabuurta sida xanjada oo kale loogu dhajiyo ,iyo qalab kale oo lagu farsameeyo miinooyinka baabuurta ciidamada loo dhigo.

Dhanka kale waxaa la xaqiijiyay in dhowr jeer uu qalab nuucaan oo kale ah Dekada ka baxay lamana ogaan sababtoo ah kan xittaa lama ogaan leheyn hadii uusan dhulka ku dhici laheyn.