Maqaal: Khilaafka Madaxdeena Xal Waara ma uheli karnaa W/D Ibrahim yare.

0

Bismillah, waxaan rabaa in aan maanta ka hadlo wax aanan idinku cusbeen oo sanado baddan soo jireen ka ahaa dowladihii kala duwanaa ee soo maray dalka Soomaliya ha ahaato kuwii KMG ahaa iyo tan haatan jirto ee rasmiga eh. Aniga run ahaanti maanan soo arkin dowlad xor eh (kacaanki) maadamo aan dhashay qixii ka bacdii. Waxaa mar walba i xanuujiso ooo aan maqla madaxweynihii dalka iyo raisul-wasaarihi ayaa is heeysto. 

Waxaa kasii daran oo aad ii xanuujiso markaan ogaado khilaaf kooda in uusan ku saleeys-neen danta dalka, dadka mise diinta balse eey tahay mid siyaasaded oo danahooda gaarka ah xam-baarsan.

Waxaan inta badan is weeydiya sababta wax looga baran la’yahay oo xal waaro loogu la’yahay soo noqnoqoshada khilaafka madaxda sare ee dalka. Sababaha aan
sheegay oowged markaan eegay ayaa waxaa aan go’aansaday in aan maqaalkan ka qoro ‘xalinta khilaafka’ ee madaxda dalka iyo carqabadaha eey ku lahaan karto  ‘hiigsiga 2016ka’


Xalinta khilaafka waa in loo maraa dastuurka dalka iyo hay’adaha dowliga ee ka dhisan. Waxaad maqleeysa
QM ayaa hadashay, waxayna tiri “waa in la xaliyaa khilaafka”
EU “Si deg-deg haloo xalio khilaafka, wuxuu caqabad ku yahay hiigsiga 2016”
IGAD “Hala xaliyo khilaafka, aadna ayaana uga xunnahay”

Dhamaan baaq ayeey soo direen, sidoo kale dadka ayaa ku kala aragti duwan meesha uu khilaafka ka imaaday.Dadka qaar baa ku leh , raisul wasaaraha waa in meesha laga saara, qaar ayaa ku leh dastuurka waaye ciladda, qaarna wexeey ku leeyihin madaxweynaha leh awooda dalka, sidaad darteed waa uu ka taqalusi karaa wasiirka koowad.

Awoodaha Dastuurka Madaxda dalka waxaa kamid ahi:
Qodobka 100aad:Xilka iyo awoodda Raisul wasaaraha waa:
(a) Madaxa Xukuumadda Federalka ah
(b)Magacaabista iyo xil ka qaadista xubanaha Gollaha Wasiirada

Waxaa kaloo jiro qodobka 90-aad oo ka hadlaya awoodaha Madaxweynaha, oo oronaayo faqradiisa (e)

(e)Wuxuu xilka ka qaadaya Wasiirada,Wasiiru-dowlayaasha iyo Wasiir Ku xigeenada, markuu soo jeediyo wasiirka koowad.

Hadaan usoo gudbo xalinta khilaafka, oo ah ka-hortaga khilaafadka soo noq-noqday waxaa 3daan qodob ee soo socoto.

1) Dib u-eegista sharciga (dastuurka) Waxaa laga maar-man eh in dastuurka dalka dib loogu noqdo, si fiicana loo turxaan bixiyo qodobadda ka hadlaaya awoodaha maadaxweynaha iyo raisul wasaaraha.

2) In xildhibaanada eey dhex-dhexaad u noqdaan (UNBIASED) ,Xildhibaanada marka ay madaxdu isqabtaan ay eegan, qodobbada la isku hayo. Hadii Raysal wasaaruhu iskushaandheyn sameeyo, dastuurka miyuu ogolyahay? Hadeey jawaabta haa noqoto, waa maxay caqabadaha hortaagan? Hadday caqabadii madaxweynaha noqotay, muxuu yahay qodobka madaxweynaha uu ku hor-istaagayo

3) Wada shaqeeyn hufan iyo is ix-tiraam, Madaxweynaha dalka iyo wasiirka koowad waa in eey ogaadan in ku dayasho wacan ‘role model’ , sidaas owgeed waa in uu raisul wasaaraha uu gaarta in uu madaxweynaha halgan adag usoo galay, balan-qaadyo uu sameeyeyna laga sugaaya oo eey tahay in eey siyaasadisa hir-gasho. Sidoo kale  madaxweynaha waa in uu gartaa ninkaan waxaad usoo magacaawday in uu xilka kiisa gutaa, sidaa owgeedna uusan shaqadiisa ku faragalin.

Khilaafkan soo kala dhex-galay madaxda dalka wuxuu shaki ku abuuray doorasho dhacdo 2016ka. Sababta waxaa eey tahay dhamaan hay’adihii muhiimka ahaa sida GollahaBaarlamanka iyo waliba Gollaha Wasiirada waa eey kala qeeyb-sameen waxeyna haki galisay horumarka eey ku tilaab-saneeyso Dowladda iyo hiigsiga 2016ka.

Isku soo wada duubo waxaan aniga iyo inta soomali ahi uga baryeena ilaahay in uu dalka marxaladaan uu ku jiro ka baxo, madaxda dowladana eegan danta dalka,dadka iyo diinta dhameeystiraana shaqadii loo igmaday.
 
WABILAAHI TOWFIIQ
 
BY IBRAHIM YARE, 
LONDON, UK
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com