Kooxo hubeysan oo dad ku laayey Mandheera

0

Rag hubaysan ayaa la sheegayaa in dad saarnaa gaari bas ah ay ku dileen duleedka Magaalada Mandheera ee Gobolka NFD, kadib markii ay dadkaasi ka dejiyeen gaarigii ay saarnaayeen.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijinaya in falkaan uu dhacay, waxaana ay tilmaameen in ragii hubaysnaa ay laayeen inta badan dadkii saarnaa gaariga baska ah.

Gaarigaan baska ah ayaa ka ambabaxay Magaalada Mandheere ee Gobolka NFD, waxaana uu kusii jeeday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, laakiin raga hubaysan ayaa meel dhexe ku laayay dadkaasi.

Booliiska ayaa laga soo xigtay inay suuragal tahay in la laayay dad gaaraya ilaa 20-ruux oo gaariga baska saarnaa, laakiin lama haayo tiro rasmi ah dadka la dilay.

Lama oga falkaan dilka ah ee loo geystay dadkaan shacabka ah cida ka dambeysay