Top News: Lacago badan oo loogu deeqay dalalka ku yaala Bariga Africa

0

Kooxda Bankiga hormarinta Africa (AfDB),ayaa ansixiyay Lacag gaareysa $133-million oo Dollarka Mareynkanka,taasi oo loogu talagalay in wax looga qabto xaaladaha abaareed iyo mid gaajo ee ka jira dalalka Bariga Africa ku yaalo.

Sida lagu sheegay warbixin shalay ka soo baxday (AfDB),Lacagtaan ayaa lagu fulinyaa Barnaamijo dhowr ah oo horseedi kara in dib u soo noqdaan adeegyadii Bulshada laguna dagaalamo xaalada faqiirtinimo ee ka jirta dalalka bariga Africa ku yaala.

Dalalka Lacagtaan dadkooda wax loogu qabanayo waxaa ka mid ah Somalia, Eritrea,Ethiopia iyo Koofurta Suudaan,waxaana si gaar ah diirada loogu saari doonaa deeqdaan kobcinta Xoolaha nool, wax soorka dadka iyo waliba Caafimaadka.

Sidoo kale, Kooxda Bankiga Hormarinta Africa ayaa shaacisay in deegdaan qeyb ka qaadan doonto sidii beeraleyda beerahooda ugu heli lahaayeen waraabo ku filan ay ku soo saartaan dalagyadooda sii arintaasi qeyb kaga qaadato hab nololeedka Qoyska.

Waxay si gaar ah kooxdaan u shaaciyeen in barnaamijka oo noqon doono mid dadka oo idil wada gaara hadana si gaar ah uga faa’ideysan doonaan haweenka iyo dadka dhalinyarada oo u sahli doonaan inay qabsadaan howlahooda gaar ah ee noloshooda ku xiran korna u qaadi doona xaaladooda dhaqaale.

Koonfura iyo bartamaha Somalia ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto xaalad bini-adanimo oo sabab u ah abaaraha ku dhiftay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya,kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com