Maamulka Sh,hoose oo ka digay qaadista dhuxusha taala Baraawe

0

Guddoomiyaha Gobolka Sh.Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho aya digniin u diray Shaqsiyaadka sida sharci darada ah dhuxusha ugu dhoofiya Dekeda Baraawe ee Gobolka Sh.Hoose.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu horay arrintaasi amar ugu soo saaray waxa uuna xusay in talaabo sharci ah ay ka qaadi doonaan cidii ka waantoobi weyso dhoofinta dhuxusha ee Dekeda Baraawe.

Dhanka kale C/qaadir Maxamed Nuur Siidii Guddoomiyaha Gobolka Sh.Hoose ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ay dib u bilaabayaan dhoofinta qudaarta kala duwan waxa uuna tilmaamay in beeraleyda Gobolka ay si nabad galyo ah ku shaqeysan doonaan.

Dekada Magaalada Baraawe ayaa waxaa taalo dhuxul aad u fara badan oo dowladda Soomaaliya ay mamnuucday in la dhoofiyo.

Tan iyo markii ciidamada Dowladda Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Baraawe waxaa hakad la geliyay dhoofinta dhuxusha dekadaasi.