Madaxweyne Xasan oo cambaareeyey weerarkii Mandheera ee dadka lagu laayey

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay xasuuqii kooxda Shabaab ay ka geesatay deegaan ku dhow degmada Mandheera, gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu cambaareeyay falkii foosha xumaa ee kooxda Shabaab ay ku xasuuqeen dad rayid ah oo la socday gaari Bus ah oo ka baxay degmada Mandheera kuna sii jeeday magaalada Nairobi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka iyo dowladda Kenya uga tacsiyeeyay dadkii argagixisadu ay ku leeysay deegaan 15 kilo mitir u jira degmada Mandheera.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa xusay in labada dowladood Kenya iyo Soomaaliya ay ka go’antahay la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab, ayna sii xoojin doonaan sidii loo cirib tiri lahaa kooxdaasi.