Maqaal: Waa Yaabnayee Maxamed Cabdi Afeey Ma Danjire Beeleed Baa Mise Waa Danjire Dowladdeed?….

0

Waxaa gabi ahaan bulshoweynta Soomaaliyeed ay isweeydiinayaan su’aasha ah Waa Yaabnayee Maxamed Cabdi Afeey Ma Danjire Beeleed Baa
Mise Waa Danjire Dowladdeed?

Waxaa Isa soo taaraya maalinba maalinta ka dambeeysa inay buslahada Soomaaliyeed si wanaagsan u baranayaa wejiga runta ah ee ergayga  gaarka ah ee urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo waayahan dambe si aad ugu soo caan baxaya Siyaasada  Qabyaaladeesan ee uu ka dhex wado dalka Soomaaliya.

Danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa horey waxa uu si cad oo qabyaaladeysan waxa uu ulla saftay dhinac kamid ah dhinacyada isku haya
siyaasada gobolada Jubbooyika oo ay isku Qabiil yihiin.

Haddana waxaa muuqata in Danjire Maxamed Cabdi Afeey uu si toos ah u dhex boodayo khilaafka Madaxda Dowladda Soomaaliya islamarkaana
u si toos ah ulla safan yahay garabka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa waxa uu heshiis hoose dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  heshiiskaas oo dhigaya in R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed laga saaro meesha si R/wasaaraha cusub loogu soo magacaabo Wasiirka
Maaliyada Xuseen cabdi Xalane.

Ergayga gaarka ah ee Urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey ayaa wax kale oo hoowl ah ka qaban dalka Soomaaliya  marka laga reebo inuu u ololeeyo danaha beeshiisa dagta Soomaaliya, waxaana isweeydiin mudan in Urur Goboleedka IGAD ay sahqsi noocaan  oo kale ah usoo magacawdaan inuu danjire uga noqdo dal ay ragaadisay colaado sokeeye kuna jira marxalad xasaasi ah.

Urur Goboleedka IGAD ayaa waxa ay bulshada Soomaaliyeed weedinayaan Danjirahooda Maxamed Cabdi Afeey waxa dhexgashay arrimaha gaarka ah ee dalka Soomaaliya, islamrkaana uu u noqon la’ayahay Danjire dhex dhexaad ka ah arrimaha Soomaalida sida danjiraaysha kale ee dalka Soomaaliya ku sugan?

Ugu Dambeyn Danjire Maxamed Cabdi Afeey waxa uu colaad ka dhex hurinayaa dalka Soomaaliya si uu danaha uu leeyahay u gaaro,bulshada Soomaaliyeedna waa ay ka dharagsan atahay dhagarta labada weji ah ee uu wado.

FG: Waxaa socda aruurinta saxiixa Bulshoweynta Soomaaliyeed (Petition) si dacwado ka dhan ah Danjiraha urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey loo gudbiyay xafiiska Urur Goboleedka IGAD ee magaalada Addis Ababa islamarkaana looga codsanayo inay Danjire dhex dhexaad ah usoo magacoowdaan Soomaaliya.

Saciid Cali Boodboode
Mogadishu, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com