Maqaal:R/wasaare Cabdiwali Sheekh Ma Yahay Nin Loo Hiilin Karo, Madaxweyne Xasan Sheekh-se Ma Yahay Nin Waxa Uu Sameenayo La Daawan Karo?

0

Waxaa xaqiiqo ah markaad eegto labada dhinac ee dirirta Siyaasadeed ee Soomaaliya ka dhaxeyso dirirtoodana ay ka horeysay dagaal qaawan oo ay la galeen qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed islamarkaana dirirtooda maanta ee saameynta ku yeelatay xataa Baarlamaanki dalka waa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasare Cabdwali Sheekh Axmede, waxaa kuu soo baxaya oo qura waa su’aasha ah, R/wasaare Cabdiwali Sheekh Ma Yahay Nin Loo Hiilin Karo, Madaxweyne Xasan Sheekh-se Ma Yahay Nin Waxa Uu Sameenayo La Daawan Karo?

Ugu Horeyn R/wasaare Cabdiwali Sheekh Ma Yahay Nin Loo Hiilin Karo?

R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ma,ahan in loo hiiliyo sababtoo ah isagaa baalashi uu ku duulayay iska rifay markuu Dhab mooday Dhoolo Cadeytii Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Dhaantadi Axmed Madoobe.

Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa dhan walba waxa uu ka curyaamiyay dadki iyo deegaanadi uu kasoo jeeday, waxa uuna kasoo qaaday inay yihiin waxba amaba ay yihiin dad aan sameyn ku lahayn dalka Soomaaliya.

R/wasaare Cabdiwali Sheekh waxa uu garan waayay wada shaqeeynta hoose ee ka dhaxeeysa Urur diimeedyada Damujadiid iyo Raaskambooni iyo dowladda deriska nala ah ee ay ka amar qaataan labaduba.

Dadku Waa inay fahmaan cida ugu weyn ee R/wasaare Cabdiwali Ku shirqooshay arrimaha Jubbooyinka, xaqiiqda waa urur Damujadkeeda Madaxweyne Xasan oo kaashanaya dowlad kamid ah dowladdaha deriska la ah Soomaaliya, waxaana daliil u ah sida ay maanta dhamanatood uga wada shaqeenayaan labada urur Diimeed ee Damujadiid iyo Raaskambooni dagaalka ka dhanka ah R/wasaare Cabdiwali Sheekh iyo Xukuumadiisa.

R/wasaare Cabdiwali Sheekh waxa uu marnaba eegin heshiiski Addis Ababa ee lagu heshiisiiyay islamarkaana lagu mideenayay ururo diimeedka Damujadiid Iyo Raaskambooni in qolaba qolada kale hoowsheeda ku xaq dhoowrto iyo awood qeybsi dhab ah si beelaha kale loo wada caburiyo.

Soomaalidu waxay tiraah ama ku maah maahaan (Cadowgaaga Cadowgiisa Waa Saaxiibkaa) anoo si wanaagsan u ogsoon in waqtigan xaadirka ah ay Xeero iyo Fandhaal kala dhaceen oo siday doontaba haku dhacdee ururo diimeedyada Damujadiid iyo Raaskambooni oo kaa shanaya dowladda deriska nala ah ay ka go’a tahay in Xukuumada iyo Wasiirka Koowaad Cabdiwali Sheekh Axmed Meesha laga saaro, waxaan kula talin lahaa dhamaan Soomaalida waxgaranysa oo caqligoodu fiyoow yahay inay in difaacaan taageero buuxdana la garab istaagaan R/wasaare Cabdiwali Sheekh maadaama uu salka u jarayo ururo diimeedyadan ku heshiiyay inay awooda qaybsadaan ayna soo abaabushay dowladda deriska nala ah ee doonaysa in aan dalka Soomaliya ka dhalan dowlad iyo Qaran awood leh.
Dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh Ma Yahay Nin Waxa Uu Sameenayo La Daawan Karo?

Madaxweyne Xasan Sheekh shaqsiyadiisa Soomaaliyey lama uu mid ahan Madaxdi dalka soo martay, waa nin cadaawad badan ay ka muuqato, weliba dagaal gaar ah kula jira qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, waxaana ka go’an inta uu xilka hayo in uu Qabaa’ilkaas Soomaaliyeed La Dad tiro, Lana magac tiro, La Xasuuqo inta laga xasuuqi karo isagoo u adeegsanaya waxmagarato kasoo jeeda Qabaa’ilkaas.

Dagaalka ku socda Qabiil walbaa dhamaantood waxaa laga soo abaabulay Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana faafinaya urur diimeedkiisa Damujadiid, hadaan fursadan laga faaiideeysan oo aan ilkaha laga siibina Madaxweyne Xasan Iyo Urur Diimeedkiisa Damujadiid, waxaa hubaal ah in Qabaa’ilkaas Soomaaliyeed iyo inta kale ee Qabiilada Soomalaiyeed ee aysan ku duulin IN dhamaantood ay wada dhumayaan

Madaxweyne Xasan Sheekh waa Kaligiitaliye aan awood lahayn haddana doonaya inuu awood buuxda ku qabsado dalkoo dhan, Jubooyinka waxa uu dhigtay Raaskambooni, Bay iyo Bakool, Gobolada dhexe dhamaantood waxa uu dhiganayaa kooxo kale oo taageersan isaga, Puntland waxaa ka go’an tahay in la go’adoomiyo amaba dhexdooda leysu diro oo laga dhex abuuro colaado sokeeye, hadaan maanta laga hortagin waxaa ay sababaysaa in dadka iyo dalka Soomalaiyeed dib ugu laabtaan dagaaladi sokeeye ee laga soo gudbay iyo xiligii mugdiga ahaa.

Daliilka kale ee cadeynta ah ee aan u hayo midnimada iyo awood qeybsiga labada urur Diimeed Waa Damujadiid iyo Raaskambooni’e Dib u eeg Heshiiski shalay ka dhacay magaalada Kismaayo. Hakan Guji Kana Akhriso Heshiiski Shalay…

Isku soo wada duuboo waxaa dalka uu wajahayaa burbur iyo kala tag hor leh haddaan meesha laga saarin Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xisbig Damujadiid, waana in qaab walba oo loo curyaamin karo ama awoodaas inay yeeshaan looga ilaalin karo la sameeyo

Maxamed Cali Faarax
Nairobi, Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com