Mareykanka oo wafdi heerkoodu hooseeyo u diray shirka Copenhagen

0

Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo la hadlay Idaacada VOA, ayaa sheegay in shirka uu yahay mid heerkiisa wanaagsan yahay oo dadkii loogu talo galay in ka badan ay kasoo qaybgaleen sida uu Wasiirka yiri.

Waxa uu sheegay in xubno badan oo Beesha caalamka ka socda ay shirkaasi yimaadeen, oo hoolkii shirka loogu talo galay uu buuxsamay, lana furay hool kale si ay dadka u fariistaan, ugana qaybgalaan shirkaasi.

Wasiir Beyle ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka uu shirkaan kasoo qaybgalay, balse shirka ay usoo direen xubno sida uu sheegay heerkooda hooseeyo waa sida Wasiirka uu qirtay.

Mareykanka ayaa horay u sheegay in shirka Copenhagen aysan u direynin wafdi ka qaybgala shirkaasi, hayeeshe Wasiir Beyle wuxuu tilmaamayaa in xubno heerkooda hooseeye Mareykanka uu shirkaasi usoo diray ayna ku sugnaayeen madasha shirka.

Wasiirka Amuuraha dibada dalka Soomaaliya wuxuu ku waramayaa in Mareykanka uu ku qanci doono waxyaabaha dowladda Soomaaliya ay kusoo bandhigtay madasha shirka uu ka soconaayay, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya horumaradii kala duwanaa ee ay gaartay ay soo bandhigtay, inkastoo meelaha qaarkood lagu canaantay.