Masar oo qeyb ka noqoneysa xalinta qilaafka madaxda Soomaalida

0

Wasiirka arimaha dibada dalka Masar Sameh Shoukry ayaa qeexay in si dhow uga la shaqeyn doonaan dalalka saaxiibada la ah Somalia sidii wax badan looga qaban lahaa cabashada ay qabaan Shacabka dagaalada ka daalay Ee Somalia.

Wuxuu sheegay Mr Shoukry in Masar iyo Somalia uu ka dhaxeeyo xiriir wada shaqeyn oo soo jireen ah.

Wasiirka arimaha dibada dalka Masar ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in xaalada bini-adanimo ee iminka ka jirta Soomaaliya ay tahay mid aad u daran oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay Mr Shoukry shirka arimaha Soomaaliya looga hadlayo ee ka socda magaalada Copenhagen ee dalka Denmark,wuxuuna hoosta ka xariiqay in Dowlada Masar kaalin fir fircoon kaga jirto ka qeyb qaadashada dadaalka lagu doonayo in lagu xasiliyo dalka geeska Africa ku yaalo Ee Soomaaliya.

Sidoo kale,wasiir Sameh Shoukry,ayaa carabaka ku adkeeyay baahida loo qabo in lala dagaalamo wuxuu ugu yeeray Falalka Xagjirnimada iyo argagixisada uu sheegay in kaliya aysan ku koobnaaneyn Somalia,islamarkaana u gudbi karto xuduud waliba,sida uu hadalka u dhigay.

Ugu danbeyntii wasiirka arimaha dibada dalka Masar ayaa amaanay hormarka iyo dib u dhiska ka socda Soomaali,isagoona dhiira geliyay howlahaasi socda.