Maxaa ka soo baxay kullamadii dhex dhaxaadinta Xasan Sheikh iyo C/Weli?

0

Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulamo gooni gooni ah oo u dhexeeyay Wasiiro, Xildhinaano ka madaxbanaan Khilaafyada u dhexeeya Madaxweyne Xasan iyo ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Kulamadan ayaa waxa ay ka dhaceen xarunta Madaxtooyada Somalia, iyadoona uu ujeedku ahaa mid lagu xalinaayo Khilaafyada u dhexeeya Labada Mas’uul ee ugu sareysa dalka.

Mid kamid ah Mas’uuliyiinta uu kulanka u dhexeeyay ayaa inoo xaqiijiyay in Wasiirada iyo Xildhibaanada ay wada kulmeen islamarkaana ay kulamo hor dhac ah la qaaten Madaxweyne Xasan iyo R/W C/Weli Sheekh Axmed.

Waxa uu sheegay in labada Mas’uul ay kala hadleen xalinta Khilaafkooda, waxa uuna intaa kusii daray in Labada Mas’uul ay isaga soo dhow yihiin sidii hore, balse weli xal uusan muuqan, rajaduna yar tahay.

Sidoo kale, waxa uu intaa kusii daray in kulan labaad iyo Seddexaad uu ugu harsan yahay labada Mas’uul, isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay qaabka uu u dhacay kulanka koowaad oo ay la qaaten Xasan iyo C/Weli.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in xildhibaanada qaar ay kala hadleen joojinta Mooshinada inta harsana ay usoo bandhigi doonaan inay ka shaqeeyan Xalka madaxda Qaranka.