Maxkamada Darajada koowaad oo xukuno riday

0

Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday eedeysanayaal ka tirsan Shabaab, kuwaasi oo maxkamadda la horgeeyay.

Maxkamadda oo u fadhiisatay dhageysiga dacwad ciqaabeed loo haystay 7- ka tirsanaa Kooxda Shabaab, kuwaasi oo ay xeer ilaalinta Maxkamadda ku soo eedeysay dambi ah in ay ka tirsanyihiin kooxda Shabaab, waxaana lagu riday xakunno kala duwan, iyadoo qaarkood ay Maxkamaddu amartay in xabsiga laga sii daayo kaddib markii lagu waayay dambiga lagu soo eedeeyay.

Gaanshaale Maxamuud Xuseen Maxamed oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ku dhawaaqay xukunka ay maxkamadda ku riday eedeysanayaasha.