Midowga Africa oo taageeray doorashada Shariif Xasan

0

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maman S. Sidikou ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kaasi oo loo doortay afhayeenkii hore ee baarlamaanka mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

War-saxaafeed ka soo baxay xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maman S. Sidikou ayaa lagu sheegay in uu soo dhaweynayo Hogaanka Maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya oo ka kooban saddex gobol, kuwaasi oo kala ah Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, kaasi oo qeyb ka ah hirgelinta nidaamka Federaalka ah.

Ergadu waxa ay ka kala socdeen saddexda gobol ee uu maamulka Koonfur galbeed ka koobanyahay, kuwaasi oo taageero ka helaya dowladd dhexe ee Soomaaliya, waxayna go’aan ku gaareen in ay dhistaan maamul si xal looga gaaro kala aragti duwanaanshihii jiray.

373 Ergo oo qeyb ka ah 396 –ayaa Afhayeenkii hore ee baarlamaanka Somaaliya mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Isniintii oo ay taariikhdu ku beegneyd 17 November ee sanadkan u doortay in uu noqdo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya muddada afarta sano ee soo socota, ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan maqalno doorashada lagu doortay Madaxweynaha cusub ee Maamulka Koonkur Galbeed ee Soomaaliya, tani waa talaabo muhiim ah oo horey loogu qaaday dhanka Nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya” ayuu yiri Danjire Sidikou.